Hordhac:Alaves Vs Real Madrid: Los Blancos Oo Doonaysa In Ay Sii Wadato Guulaha Horyaalka

Kooxda Real Madrid ayaa marti u noqon doonta kooxda Alaves kulan ka tirsan todobaadkii 14-aad ee horyaalka La Liga kulan ka dhici doona garoonka Mendizorroza.

Real Madrid ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay kali ku noqdaan hogaanka horyaalka maadama ay  Barcelona Axada la ciyaari doonto kooxda Atletico Madrid.

Dhanka kale kooxda Alaves ayaa isha ku haya in ay ka soo kacdo ama iska ilaaliso in ay ku dhacdo boosaska looga hadho horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Kulanka: Alaves Vs Real Madrid

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 3:00 Galabnimo

Garoonka: Mendizorroza.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Alaves ayaa kaliya badisay 3 ka mid ah 28-kii kulan ee ay ay La Liga ka hor tagtay kooxda Real Madrid inkasta oo mid ka mid ah uu ahaa kulan dhacay xilli ciyaareedkii hore oo ay 1/0 ugu garaacday.

Alaves ayaa laga dhaliyay cel-celis ahaan 3.1 Gool kulan kasta oo ay ka hor tagtay Real Madrid horyaalka 14-kii kulan ee ugu dambeeyay.

Real Madrid ayaa kaliya la kulantay hal guuldaro oo ka mid ah 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay martida ahayd iyada oo 3 ka mid ah shaqaaqeeda ilaashatay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*