Halkee La Kala Marayaa Tartanka Gool Dhalinta Horyaalka Premier League Kadib Todobaadkii 12-aad?

Waxa la soo xidhay todobaadkii 12-aad ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan iyada oo lagu soo xidhay kulankii ay Liverpool la ciyaartay kooxda Man City kana dhacay Anfield.

Marka laga yimaado tartanka horyaalka waxa meel xiiso leh maraya tartanka loogu jiro gool dhalinta horyaalka premier League kaas oo ay xiddigo badan isku baacsanayaan.

Xiddiga Tammy Abraham ayaa dhaliyay goolkiisii 10-aad ee horyaalka premier League halka uu xiddiga Jamie Vardy dhaliyay goolkiisii 11-aad ee horyaalka hogaankana u haya tartanka.

Xiddigaha Liverpool ee Sadio Mane iyo Mohamed Salah ayaa iyaguna kor u soo kacay tartanka kadib markii ay goolal ka dhaliyeen kooxda Man City.

Xiddiga Man United ee Marcus Rashord ayaa laftiisa xawaare ku soo socda isaga oo gool dhaliyay korna u soo fuulay tartanka gool dhalinta horyaalka premier League.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo xiddigaha ugu goolasha badan ilaa haatan premier League:

  1. Jamie Vardy (Leicester) 11 gool Gool
  2. Tammy Abraham (Chelsea) – 10
  3. Sergio Aguero (Manchester City) – 9
  4. Pierre-Emerick Aubameyang (Arsenal) – 8
  5. Sadio Mane (Liverpool) – 7
  6. Raheem Sterling (Manchester City) – 7
  7. Mohamed Salah (Liverpool) – 6
  8. Marcus Rashford (Man United) – 6
  9. Harry Kane (Tottenham Hotspur) – 6
  10. Teemu Pukki (Norwich City) – 6
  11. Christian Pulisic (Chelsea) 5
  12. Bernardo Silva (Manchester City) – 5
  13. Callum Wilson (Bournemouth) – 5
  14. Raúl Jiménez (Wolves) 5
  15. Danny Ings (Southampton) 5
  16. Chris Wood (Burnley) 5
  17. Ashley Barnes (Burnley) 5
  18. Callum Wilson (Bournemouth) 5

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*