Emery: Xhaka Ma Ciyaari Doono Kulanka Leicester City, Halkan Sabab Darteed Ayaan Aubameyang Uga Dhignay Kabtanka 1-aad.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa xaqiijiyay in uuna xiddiga Granit Xhaka ciyaari doonin kulanka ay Arsenal la ciyaari doonto kooxda Leicester City kana tirsan horyaalka Premier Legaue.

Arsenal ayaa marti u noqon doonta kooxda Leicester City kulan ka tirsan todobaadkii 12-aad ee horyaalka premier League.

Unai Emery ayaa go,aansaday in uu calaamada kabtanimo ka qaado xiddiga khadka dhexe ee Granit Xhaka kadib markii uu aflagaadeeyay taageerayaasha Arsenal kulankii Crystal Palace.

Emery oo la hadlaya wargayska Daily Mail ayaa yidhi”Waxa aan la hadlay Xhaka salaasadii si aan u ogaado sida uu dareemayo waxana uu si xoogan u qaadanayaa tababarka laakiin waxa uu ii sheegay in uuna wali diyaar u ahayn in uu ciyaaro”.

Emery oo ka hadlaya sababta uu Pierre-Emerick Aubameyang uga dhigay kabtanka ayuu yidhi”Waxa uu leeyahay khibrad fiican waxana uu haystaa Ixtiraamka qolka Labiska Kooxda sidaas darteeed ayaan ugu doortay in uu noqdo kabtanka 1-aad ee kooxda”.

“Waxa aan ogahay in uu Pierre-Emerick Aubameyang u baahan yahay wakhti si uu u qaado masuuliyada kabtanimod 100% laakiin waan garab taaganahay”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*