Dib U Eegid: Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Kulankii Ay Liverpool Garaacday Man City

Kooxda Liverpool ayaa garaacday kooxda Man City kulan ka dhacay garoonka Anfield kana tirsanaa todobaadkii 12-aad ee horyaalka Premier League.

Goolal ay dhaliyeen Fabinho, Mohamed Salah iyo Sadio Mane ayaa Reds ka caawiyay in ay garaacdo Man City iyaga oo gaadhay guul muhiim u ah.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa waxyaabihii laga diwaan galiyay kulanka:

1.Liverpool ayaa badisay 11 kulan oo ka mid ah 12-kii kulan ee ugu horeeyay premier League xilli ciyaareedkan iyaga oo 8 dhibcood ka horeeya kooxaha kaalinta 2-aad ku jira kaliya kooxda Man United ayaa dhibco ka badan ku hogaamisay 12-ka kulan ee ugu horeeya iyaga oo 9 dhibcood ku hogaamiyay xilli ciyaareedkii 1993/1994.

2.Pep Guardiola ayaa kulamada ugu badan guuldaro kala kulmay garoonka Anfield xirfadiisa ciyaareed isaga oo 4 guuldaro kala kulamay tartamada oo dhan.

3.Liverpool ayaa laga dhaliyay gool 9 kulan oo xidhiidh ah markii ugu horaysay tan ilaa bilihii September iyo October 2014.

4.Man City ayaa 3 gool lagu hogaaminayaa kulan premier League ah markii ugu horaysay January 2018 kulankaas oo ahaa mid Anfield ka dhacay kana hor tageen Liverpool.

5.Sadio Mane ayaa dhaliyay 16 gool oo premier League ah oo uu ku ciyaaray Anfield sanadk 2019 waana xiddiga ugu badan ee sidaas sameeyay.

6.Mohamed Salah ayaa ku lug lahaa 52 gool 44 kulan oo premier Leageu ah oo uu Anfield ku ciyaaray 38 gool iyo 14 caawin.

7.goolkii Fabinho ayaa ahaa midkii 9-aad ee ay Liverpool ka dhaliso meel ka baxsan dilinta ganaaxa xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan iyaga oo ka badan koox kasta oo premier League ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*