Dhirbaaxo: Xiddig Muhiim U Ah Liverpool Oo Dhaawac Looga Saaray Xulka Qarankiisa.

Xiddiga daafaca Bidix uga ciyaara kooxda Liverpool ee Andrew Robertson ayaa dhaawac looga saaray waajibaadka xulka qarankiisa Scotland sida ay isku raaceen shabakada BBC Sport iyo Sky Sport.

Xiddiga ayaa la sheegayaa in uu seegi doono kulamada is reeb-reebka ee uu xulka qarankiisu kaga hor tagi doono xulalka Cyprus iyo Kazazkhstan sabab la xidhiidha dhaawac.

Inkasta oo ayna labada shabakadoodba sheegin nooca dhaawaca iyo inta uu leegyahay hadana waxa ay isku raaceen in uuna xiddigu ciyaari doonin kulamada xulka qarankiisa.

Laakiin Robertson ayaa la sheegayaa in uu ka qayb ahaan doono Liiska xulka qaranka Scotland oo uuna ku soo laaban doonin Liverpool sida ay sheegtay BBC Sport laakiin uuna ciyaari doonin kulamada xulkiisa.

Robertson ayaa caawiye ka noqday goolkii 2-aad ee ay kooxdiisu dhalisay kulankii ay Reds garaacday kooxda Man City kana tirsanaa horyaalka premier League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*