Dhirbaaxo: Chelsea Oo La Kulantay Dhirbaaxadii Ugu Horaysay Ee FIFA Virus & Xiddig Muhiim Ah Oo Ka Dhaawacmay

Kooxda chelsea ayay la kulantay dhirbaaxadii ugu horaysay ee fasaxa xulalka kadib markii uu dhaawac soo gaadhay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Blue ee Christian Pulisic sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Christian Pulisic ayaa laga saaray waajibaadka xulka qarankiisa America kadib markii uu dhaawac Sinta ah ka gaadhay tababarka xulka qarankiisa.

Christian Pulisic ayaa la sheegayaa in uu xiddigu ku dhaawacmay tababarkii ugu horeeyay ee uu la qaatay xulka qarankiisa sida uu xaqiijiyay tababaraha xulka qaranka ee Gregg Berhalter.

Gregg Berhalter oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Christian waxa uu seegi doonaa kulamada xulka qaranka kadib markii aan qaadanay go,aan faa,iido u ah xiddiga”.

“Go,aankan waxa uu ahaa mid aad u adag sabab la xidhiidha in aanu doonaynay in aanu sii haysano Christian¬† laakiin waxa ay ahayd khatar aanan doonayn in aanu qaadno”.

Pulisic ayaa haatan ku soo laaban doona Chelsea si uu u qaato daawayn ugana soo kabsado dhaawac ka hor kulanka adag ee ay Chelsea la ciyaari doonto Man City kadib fasaxa xulalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*