Cristiano Ronaldo Vs Daniel James? Xogta Labada Xiddig Wakhtigii Ugu Horaysay Man United Oo La Is Bar-Bar Dhigay, Midkee Ayaa Fiican?

Xog cajiib ah oo la helay ayaa muujinaysa in uu da,yarka Daniel James ka saamayn badan yahay Cirtsaino Ronaldo markii uu ku soo biiray kooxda Man United kadib 12 kulan oo uu u ciyaaray kooxda.

Tababaraha reer Wales ee Ryan Giggs ayaa dhawaan is bar-bar dhigay xiddiga Daniel James iyo xiddiga 5 jeer ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Cristiano Ronaldo.

James ayaa qaab ciyaareed fiican ku jira tan ilaa markii uu kusoo biiray Man United isaga oo la odhan karo waa xiddiga ugu fiican kooxda Man United xilli ciyaareedkan.

Kadib 12 kulan oo uu ciyaaray James ayaa ka fiican Ronaldo markii uu ciyaaray 12-kiisii kulan ee ugu horeeyay horyaalka premier League.

Daniel James ayaa dhaliyay 3 gool sidoo kale sameeyay 2 caawin halka uu 8 laad ku laagay Goolka kooxaha ka soo hor jeeda ilaa haatan horyaalka xilli ciyaareedkan.

Ronaldo oo Red Devils ku soo biiray 2003 ayaa kaliya dhaliyay hal gool sidoo kale sameeyay hal caawin 7 laadna ku laagay goolka 12-kii kulan ee ugu horeeyay ee uu Man United u ciyaaray.

Si kasta ha ahaatee Xiddiga reer Portugal ayaa 375 daqiiqo ka yar James 12-kii kulan ee ugu horeeyay ee uu u ciyaaray kooxda man United.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*