Barcelona Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Ernesto Valverde Kadib Natiijooyinkii Xumaa Ee Kooxda.

Kooxda Barcelona ayaa sugi doonta ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan si ay shaqada uga caydhiso tababareheeda haatan ee Ernesto Valverde sida uu sheegayo wargayska MARCA

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Barcelona dhamaadka xilli ciyaareedkan u dhaqaaqi doonto tababaraha xulka qaranka Holland ee Ronald Koeman si ay ugu badasho tababareheeda haatan.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa bishii hore sheegay in agaasimaha xidhiidhka Holland ee Nico-Jan Hoogma uu sheegay in uu Tababare Koeman ku biiri karo kooxda Barcelona xagaaga dambe sabab la xidhiidha dookha ku jira heshiiskiisa.

Heshiiska Koeman ee xulka qaranka Holland ayaa dhici doona xagaaga 2020 laakiin waxa ku jira dookh u ogolaanaya in uu ku biiro Barcelona hadii ay dalab ka soo gudbiso.

Sidaas darteed maamulka Barcelona ayaa go,aansaday in ay sii haystaan tababare Valverde xilli ciyaareedkan kalsoonidana siiyaan.

Laakiin isku diyaarinaya in ay xagaaga kadib koobka Euro 2020 soo dhaweeyaan tababaraha xulka Holland ahna Halyeeyga kooxda Ronald Koeman.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*