Arsenal Oo Go’aan Kama Dambays Ah Ka Gaadhay Mustaqbalka Granit Xhaka

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay si Rasmi ah u go’aamisay in ay iska iibiso xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Granit Xhaka kadib dhacdadii dhex martay isaga iyo taageerayaasha kooxda Arsenal.

Xiddiga reer Swiss ayaa Aflagaadeeyay taageerayaasha kooxda kadib markii ay ku oriyeen kulankii Crystal Palace ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Wargayska Dialy Mail ayaa haatan sheegaya in ay kooxda Arsenal diyaar u tahay in ay iska iibiso saxiixa xiddiga khadka dhexe marka la gaadho suuqa January.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Swiss ku wajahan yahay in uu ku laabto horyaalka Bundesliga hadii uu isaga tago kooxda Arsenal.

Xhaka ayaa kooxda Arsenal kaga soo biiray horyaalka Germany waxana uu diyaar u yahay in uu ku laabto horyaalkaas hadii uu isaga tago Gunners

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*