Zidane Oo Kashifay Qaabkii Uu Hazard Sababta Ugu Ahaa In Uu Vinícius Júnior Ka Reebo Kulankii Leganes

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa kashifay qaabkii uu Eden Hazard sababta ugu ahaa in uu xiddiga Vinícius Júnior ka reebo kulankii Leganes ee horyaalka La Liga xalay.

ka reebistii Vinícius Júnior ayaa dhalisay muran weyn oo saxaafada iyo taageerayaasha ah marka loo eego in uu xiddigu ka mid yahay xiddigaha ugu fir-fircoon kooxda Real Madrid.

Zidane ayaa sheegay in imaatinka Eden Hazard ee Real Madrid in ay sabab u tahay in uuna xiddigu ciyaarin kulankii Leganes iyo kulamo kale oo xilli ciyaareedkan.

“Vinícius Júnior? Ma jirto wax is badalay waa xiddig fiican waxana uu ka mid yahay kooxda laakiin sababta uu u seegay kulanka ayaa ah in ay isku boos yihiin Hazard sidaas darteed waxa qorshaha 1-aad ah Eden Hazard laakiin waxa aan ciyaarsiin doonaa kulamada soo sada”.

Hazard ayaa ilaa haatan ku dhibaatoonaya kooxda Real Madrid xilli ciyaareedkan isaga oo kaliya dhaliyay 2 gool iyo 2 caawin tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*