Xulka Spain Oo Kulankii 2-aad Oo Xidhiidh Ah Bar-Bareeyay Laakiin Iska Xaadiriyay Tartanka Euro 2020.

Xulka qaranka Spain ayaa iska xaadiriyay wareega Group-yada tartanka Euro 2020 kadib markii ay bar-baro wakhtiga dhimashada ah la galeen xulka Sweden.

Kulanka ayaa ahaa mid uu xulka qaranka Spain si weyn u maamulayay ciyaarta kana fiicnaa xulka Sweden laakiin ku dhibaatooday in ay gool ka dhaliyaan xulka Sweden.

Dhanka kale xulka Sweden ayaa sameeyay fursado cajiib ah laakiin Goolhaye David De Gea ayaa sameeyay badbaadino wareer ah.

Waxa bar-baro gool la,aan ah ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta iyaga oo ayna labada xulba wax goolal ah kala dhalin inkasta oo ay sameeyeen fursado cajiib ah.

Laakiin qaybtii dambe ayay wax walba is badaleen iyaga labada xul sii wadeen fursadaha ay samaynayeen sidii ay goolal u dhalin lahaayeen.

Daqiiqadii 51-aad ayuu xulka Sweden dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Marcus Berg kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa.

Xulka Spain ayaa wax walba u sameeyay sidii ay u dhalin lahaayeen goolka bar-baraha iyaga oo weeraro ku qaaday xulka Sweden laakiin ku dhibaatooday in ay wax gool ah dhaliyaan.

Laakiin daqiiqadii 90-aad ayuu xulka Spain dhaliyay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Rodrigo kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1/1 ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Qaranka Spain bar-baro galay laakiin u soo baxay tartanka Euro 2020.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*