XOG: Is Bar-Bar Dhig Lagu Sameeyay Man United & Liverpool 8-dii Bilood Ee Ugu Dambeeyay Ka Hor Kulankooda Premier League.

Waxa si weyn loo sugayaa kulan xiiso leh oo dhex mari doona kooxaha Man United iyo Liverpool kulan ka tirsan todobaadka 9-aad ee horyaalka premier League kulan la ciyaari doono kadib fasaxa xulalka.

Kulankaas ayaa loo balansan yahay 19 bishan haatan lagu jiro kuna beegan maalin Axad ah iyada oo ay labada kooxood iyo taageerayaashooduba isha ku hayaan kulankaas.

Labada Kooxood ayaa ku kala jira 2 xaalad oo kala duwan iyada oo ay koox tahay koox qaab ciyaareed fiican ku jirta waana Liverpool kuwaas oo hogaaminaya horyaalka premier League wax guuldaro ahna la kulmin horyaalka.

Dhanka kale kooxda Man United ayaa ku jirta qaab ciyaareed xun iyaga oo kaliya badiyay 2 kulan horyaalka premier league kuna jira kaalinta 12-aad ee kala saraynta horyaalka.

Ka hor kulankooda Kadib fasaxa xulalka wargayska The Sun ayaa is bar-bar dhig ku sameeyay 8-dii bilood ee ugu dambeeyay ee labada kooxood ee tartanka horyaalka premier League.

Is bar-bar dhiga ayaa laga bilaabay 10 bishii March ee snaadka 2019 kaas oo loo qiimeeyay kaas oo noqday mid la yaab leh.

Kooxda Liverpool ayaa 10-kii bilood ee ugu dambeeyay badisay 17 kulan oo horyaalka premier League ah halka ay Man United kaliya 10-kaas bilood heshay 17 dhibcood oo kaliya premier League.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*