Xidhiidhka La Liga Oo Barcelona Ka Codsaday In Kulanka El Clasico Loo Badalo Madrid & Sababta Oo La Ogaaday

Xidhiidhka Horyaalka La Liga ayaa lagu soo waramayaa in ay kooxda Barcelona ka codsadeen in kulanka ay la ciyaari doonaan Real Madrid lagu ciyaaro garoonka Santiago Bernabue sida uu sheegayo wargayska Diario AS.

Sababta uu xidhiidhka La Liga u codsday arintaas ayaa ah cabsi laga qabo daganaansho la,aanta gobolka Catalinia sabab la xidhiidha siyaasiyiintii gobolkaas ee bilowgii todobaadkan la xidhay.

Kulanka ayaa loo balansanyahay in lagu ciyaaro Camp Nou 26 bishan October laakiin daganaansho lamaanta Catalonia ayaa keentay in ay madaxda Horyaalku Barcelona ka codsadaan in kulanka loo soo badalo Santiago Bernabeu stadium.

Hadii ay Barcelona Aqbasho dalabkaas waxa ay la macno tahay in kulanka lugta 2-aad ee El Clasico lagu ciyaari doono Barcelona halkii lagu ciyaari lahaa Madrid.

Kulanka El Clasico ee xilli ciyaareedkan ugu horeeya ayaa noqon doona midkii ugu horeeyay tan ilaa markii maxkamada sare xukuntay Madxda Catalonia.

Sidaas darteed waxa laga cabsi qabaa in mudaharaadayaal badan ay dhici doonaan sidaas darteed waxa ay labada kooxoodba dan ugu jirtaa in la badalo garoonka kulanka.

Xaalada daganaansho la,aanta ee haatan ka jirta ayaa xitaa saamayn ku yeelanaysa qorshaha Barcelona ee safarka ay u safri doonaan Eibar todobaadka dambe iyada oo la sheegayo in ay xiddigaha kooxdu Bas ku tagi doonaan Eibar halkii ay diyaarad raaci lahaayeen sabab la xidhiidha mudaharaadyada ka socda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*