Xiddigaha Da,yarka Ah Ee Ugu Goolasha Badan 5-ta Horyaal Ee Ugu Waaweyn Yurub Oo La Soo Saaray & Xiddig Arsenal U Ciyaara Oo Hogaaminaya

Inkasta oo uuna si joogto ah ugu ciyaarin kooxda Arsenal hadana da,yarka Gabriel Martinelli ayaa kulan walba muujiay in uu u qalmo in uu si joogto ah ugu ciyaaro kooxda Arsenal.

Gabriel Martinelli ayaa gool ka dhaliyay Liverpool kulankii Carabao Cup-ka ee xalay ka dhacay Anfield isaga oo xaday indhaha taageerayaasha Arsenal soona bandhigay qaab ciyaareedk cajiib ah.

Gabriel Martinelli ayaa goolashiisa xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan kor ugu qaaday 7 gool isaga oo ah da,yarka ugu goolasha badan 5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub xilli ciyaareedkan.

Xiddiga ugu soo dhaw ayaa ah xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho kaas oo dhaliyay 4 gool ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Waxa ku xiga xiddiga ugu qaalisan taariikhda kooxda Atletico Madrid ee Joao Felix kaas oo dhaliyay 3 gool si la mid ah xiddiga kooxda Brighton ee Aaron Connolly iyo xiddiga Nimes ee Kevin Denkey.

Kooxda.com ayaa xusaysa in uu da,yarka kooxda RB Salzburg ee Erling Haaland dhaliyay 21 gool kaliya 14 kulan oo xilli ciyaareedkan ah laakiin xiddiga ayaan u ciyaarin koox ka ciyaarta 5-ta horyaal ee ugu waaweyn maadama uu ka ciyaaro horyaalka Austria.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*