Xiddig U Ciyaara Liverpool Oo Ku Riyoonaya In Uu Ku Biiro Real Madrid & Xiddiga Uu Yahay Oo La Ogaaday

Goolhayaha Kooxda Liverpool ee Alisson Becker ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu ku biiro kooxda Real Madrid wakhtiga soo socda.

Wargayska ka soo baxa Spain ee Defensa Central ayaa sheegaya in uu Alisson xiddiga ay isku xulka yihiin ee Casemir khadka dhexena uga ciyaara Real Madrid kala hadlay Real Madrid bilihii la soo dhaafay isaga oo u sheegay rabitaankiisa in uu ku biiro Real Madrid.

Wargayska ayaa sheegaya in uu Alisson ku dhawaa Real Madrid ka hor intii uuna ku biirin Liverpool laakiin Los Blancos ayaa diiday in ay 40 milyan wax ka badan ka bixiso xiddiga taas oo fursad u siisay Liverpool in ay 72 milyan ku soo xero galiso Goolhayaha.

Isla wargayska ayaa intaas ku daraya in uuna Goolhayuhu wali iloobin riyadiisa ku biirista Real Madrid kuwaas oo isku dayi doona in ay u dhaqaaqaan saxiixiisa.

Real Madrid ayaa wajahaysa dhibaato dhanka Goolka ah xilli ciyaareedkan kadib bixitaankii Keylor Navas iyada oo uu Goolhaye Thibout Courtios ku dhibaatoonaya qaab ciyaareed xun.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*