XASAASI: De Gea Oo Seegi Doona Kulanka Liverpool & Warar Hordhac Ah Oo Sheegaya Mudadad Uu Garoomada Ka Maqnaan Karo Oo La Helay

Goolhayaah Kooxda Man United ee David De Gea ayaa la xaqiijiyay in uu seegi doono kulanka ay Man United la ciyaari doonto Liverpool xilli ay jiraan warar hordhac ah oo sheegaya in uu Goolhayuhu garoomada ka maqnaan doono muddo 2 bilood ah.

Goolhayaha 1-aad ee Old Trafford ayuu dhaawac ka soo gaadhay kulankii uu xulka qaranka Spain bar-baraha la galay xulka Sweden kulan ka tirsanaa tartanka Euro 2020.

De Gea ayuu dhaawacu soo gaadhay isaga oo isku dayaya in uu iska fogeeyo kubad daqiiqadii 59-aad waxana lagu badalay Goolhaye Kepa.

Waxana haatan la sheegayaa in uu seegi doono kulanka premier League ee ay kooxda Man United Axada la ciyaari doonto Liverpool.

Wararka kale oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in uu Goolhayuhu ka dhaawacmay Bawdada garoomadana ka maqnaan doono muddo 2 bilood ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*