XASAASI: Chelsea Oo Si Lama Filaan Ah U Bartilmaameedsanaysa Saxiixa Neymar & Qorshaha Ay U Dajisatay Oo La Ogaaday

Wargayska Don Balon ayaa shaaca ka qaaday maanta oo Salaasa ah in ay kooxda chelsea si lama filaan ah ugu biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga kooxda PSG ee Neymar Kaas oo ay qorshaynayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga marka la gaadho suuqa xagaag.

Wargayska reer Spain ayaa sheegaya in ay kooxda chelsea diyaarinayso dalab lacageed oo dhan 210 milyan oo euro si ay ugu guulaysato saxiixa xiddiga.

Frank Lampard ayaa la sheegayaa in uu xiddiga 27 jirka ah u doonayo badalka Eden Hazard kaas oo xagaagii ku biiray kooxda Real Madrid.

Warkan ayaa imanaya xilli si weyn xiddigan loola xidhiidhinayay kooxda Barcelona suuqii xagaaga ee la soo dhaafay.

Neymar ayaa si aad ah u doonayay in uu isaga tago kooxda PSG suuqii xagaaga isaga oo doonayay in uu ku biiro kooxda PSG.

Laakiin kooxda reer France ayaa diiday in uu xiddiga ka tago kooxda iyaga oo Barcelona hor dhigay caqabado badan oo fashiliyay heshiiska.

Chelsea oo ka ganaaxnayd suuqii xagaaga sidoo kale la filayo in ayna saxiixyo cusub samayn ilaa xagaaga dambe ayaa la sheegayaa in ay isku diyaarinayso in ay saxiixeeda ugu qaalisan ka dhigto xiddiga reer Brazil.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*