WARBIXIN: Juventus Oo Dajisatay Qorshe Ay Man United Uga Helayso Paul Pogba & Wakhtiga Ay Damacsantahay In Ay United Ka Soo Gudbiso Dalbka Oo La Ogaaday

Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay qorshaynayso in ay Man United u soo bandhigto saxiixa xiddigaha Emre Can iyo Mario Mandzukic su ay Suuqa January uga hesho xiddiga Paul Pogba sida ay sheegayaan wararku.

Pogba ayaa sii joogay United suuqii xagaaga laakiin xiddiga ayaa u muuqda mid aan Niyad u hayn in uu sii joogo Red Devils wixii intaas ka badan.

Iyada oo taas maskaxda lagu hayo kooxda Real Madrid ayaa u muuqda mid ka hadhay tartanka saxiixa xiddiga reer France taas oo Albaabka u furaysa Juventus sida uu sheegayo wargayska Tuttosport.

Xiddiga reer France ayaa muddo 4 sano ah ku qaatay kooxda Juventus isaga oo kula guulaystay 4 horyaal ka hor intii uuna 2016-kii ku soo laaban Man United.

Wargayska ayaa sheegaya in ay kooxda Juventus Man United diyaar ula tahay dalab ay ku jiraan xiddigaha Emre Can & Mandzukic si ay u helaan Paul Pogba.

Labada xiddig ayaan ka mid ahayn qorshaha Maurizio Sarri iyada oo ay kooxdu ka reebtay Liiska champions League waxana ay ka caawin karaan in ay xoojiyaan United.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*