War Cusub Oo Ka Soo Baxay Xaalada Dhaawac Ee N’Golo Kante, Miyuu Ciyaari Doonaa Kulanka Watford

Tababaraha Kooxda chelsea ee Frank Lampard ayaa ka warbixiyay xaalada xiddiga khadka dhexe ee kooxdiisa ee N’Golo Kanet kaas oo dhaawac kaga maqnaa kooxdiisa mudadadii ugu dambaysay.

Xiddiga reer France ayaa xilli ciyaareedkan la dhibaatoonaya dhaawacyo joogto ah isaga oo seegay kulamo badan oo kooxdiisa ah xilli ciyaaeedkan.

Lampard oo la hadlaya wargayska Mirror ayaa yidhi”Waxa aan rajaynaynaa in uu ku soo laabto tababarka ku soo laabto 2 ilaa 3 maalmood ee soo socda”.

Lampard oo wax laga waydiiyay in ay suurtagal tahay in uu ku soo laabto garoomada ka hor fasaxa xulalka ayaa yidhi” Haa waan rajaynaynaa arintaas”

Kante ayaa ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda chelsea laakiin waxa uu xilli ciyaareedkan la dhibaatoonayaa dhaawacyo joogto ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*