Waaa Maxay Sababta Ay Liverpool Uga Bixi Karto Tartanka Carabao Cup-ka In Kasta Oo Ay Reebeen Arsenal & Kooxda Ka Ciyaari Karta Booskooda

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in ay Liverpool ka bixi karto tartanka Carabao Cup-ka inkasta oo ay iska xaadiriyeen 8 dhamaadka tartanka.

Kadib markii ay rikoodhayaal 5/4 ah ku garaaceen Arsenal kadib markii ay bar-baro 5/5 ah galeen kulanka Caadiga ah Reds ayaa ciyaari doonto tartanka 16 bisha December.

Si kasta ha ahaatee Waxa ay wakhtigaas sidoo kale ciyaari doonaan tartanka Club World Cup-ka, premier league iyo Champions League oo ay ka fikiri doonaan.

Liverpool ayaa Semi-finalka Club World Cup-ka ciyaari doonta 18 bisha December waana 3 maalmood ka hore inta ayna ciyaarin finalka ama kaalinta 3-aad.

Klopp oo ciyaarta kadib la hadlaya saxaafada ayaa yidhi” Hadii ayna noo helin wakhti sax ah oo aan ahayn ciida gaalada 3 galabnimo, kadib ma ciyaari doono kulanka kooxda nagu aada ayaa wareega xiga u gudbi doonta”.

“Ma noqon doono dhibanaha dhibaatooyinkan”.

“Waxa aan rajaynayaa in ay haatan bilaabaan in ay ka fikiraan xalinta kulankaas”.

“Waxan u malaynayaa in ay dadkii ka daawanayay TV-ga rajaynayen in aan ka hadhno tartanka, waan ka xumahay”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*