Waa Maxay Uu Nicolas Pepe Laba Jeer Sameeyo Kadib Kulan Walba Oo Arsenal Ciyaarto?

Agaasimaha Kooxda Lille ee Luis Campos ayaa sheegay waxa uu sameeyo saxiixa Arsenal ee Nicolas Pepe kadib kulan walba oo ay ciyaarto kooxdiisu si uu u horumariyo qaab ciyaareedkiisa.

Nicolas Pepe ayaa kaliya dhaliyay hal gool 10 kulan oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkan tan ilaa markii uu 72 milyan oo euro ugaga soo biiray kooxda Lille.

Si kasta ha ahaatee Luis Campos ayaa sheegay in uu xiddiga 24 jirka ah mar walab ku dadaalo sidii uu u horumarin lahaa qaab ciyaareedkiisa waliba si adag u shaqeeyo.

“Kadib kulan kasta waxa uu dib u daawadaa ciyaarta oo dhamaystiran isaga oo ugu yaraan 2 jeer dib u daawada si uu horumar uga sameeyo qaab ciyaareedkiisa”.

Nicolas Pepe ayaa la kulmay dhaleecayn badan kadib qaab ciyaareedkii xumaa ee uu soo bandhigay ilaa haatan xilli ciyaareedka.

Xiddiga reer Ivory Coast ayaa noqday xiddiga ugu qaalisan Arsenal kadib markii uu Gunners ugu soo biiray lacag dhan 72 milyan oo euro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*