Waa Maxay Go,aankii Ay Badaleen Xiddigaha Liverpool Ee Ka Yaabiyay Jurgen Klopp Kulankii Arsenal?

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday in ay xiddigaha kooxdiisu badaleen sidii loo kala laaganayay rikoodhada kulankii Arsenal daqiiqadii ugu dambaysay iyaga oo aan ogolaansho ka haysan isaga xilli ay 5/4 kaga badiyeen kooxda Arsenal kadib bar-barihii 5/5 ahaa ee kulankii ka dhacay Anfield.

Laakiin tababaraha ayaan wax dan ah ka lahayn go,aankii ay xiddigaha kooxdiisu iska indha tireen maadama ay badiyeen kulanka iskana xaadiriyeen wareega 8 dhamaadka tartanka.

Xiddiga Curtis Jones ayaa dhaliyay goolka guusha isaga oo kooxdiisa u diray wareega 8 dhamaadka tartanka Carabao Cup-ka xilli ciyaareedkan.

Kadib markii uu dabaal dega la dhamaystay xiddigaha Klopp ayaa la yaabay in uu da,yarka kooxdiisa ee Curtis Jones uu badalay sidii loo kala horeeyay laagashada rikoodhada.

Jones ayaa booska ka badashay weeraryahanka Divock Origi oo loo sheegay in uu noqdo xiddiga ugu dambeeya ee laagan doona rikoodhayaasha.

Klopp oo Sky Sport la hadlaya ayaa yidhi” Divock Origi iyo Curtis jones waxa ay is dhaafsadeen laadashada sababta oo ah markii ugu dambaysay Divock ayaa ahaa xiddiga ugu dambeeya”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*