Thiago Silva Oo Magacaabay Xiddiga Liverpool Ee U Qalma In Uu Ku Tartamo Abaalmarinta Ballon d’Or-ka Sanadkan, Mana Ahan Salah & Van Dijk

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda PSG ee Thiago Silva ayaa sheegay in uu xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Sadio Mane u qalmo in uu sanadkan u tartamo abaalmarinta xiddiga ugu fiican adudunka ee Ballon d’Or-ka.

Xiddiga reer Senegal ayaa sanadkan Liverpool kula guulaystay koobka champions League iyo waliba UEFA Super Cup-ka halka uu sidoo kale xulka qarankiisa geeyay finalka koobka Qaarada Africa.

Xiddiga Sadio Mane ayaa sidoo kale ku guulaystay gool dhalinta horyaalka premier League xilli ciyaareedkii hore.

Thiago Silva oo la hadlaya wargayska Liverpool Echo ayaa yidhi” Sadio Mane waa xiddig heer sare ah oo heer caalami ah waxana uu leeyahay orod aad u badan waxana uu kubada u maamulaa si cajiib ah waana mid aad u maskax badan”.

“Marka loo eego waxa uu sanadkan gaadhay Mane ayaan u arkaa in uu xaq u leeyahay in uu ku tartamo abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka sanadkan”.

Kooxda.com ayaa xusaysa in uu Sadio Mane kaalinta 5-aad ka galay Abaalmarinta The Best ee abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka sanadkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*