Tababaraha Xulka Spain Oo Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawac Ee De Gea & Man United Oo Warbixin Ka Soo Saartay

Tababaraha Xulka qaranka Spain ee Robert Moreno Ayaa ka warbixiyay xaalada dhaawac ee Goolhaye David De Gea kaas oo dhaawac uga baxay kulankii uu xulka qaranka Spain la ciyaarayay xulka Sweden kulan ka tirsana is reeb-reebka Euro 2020.

David De Gea ayaa daawayn ka qaatay muruqa ka hor inta uuna ka bixin ciyaarta inkasta oo uu dalbaday in uu sii wato ciyaarta laakiin ugu dambayn la badalay.

Goolhaye De Gea ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo sameeyay badbaadino wareer ah si uu kulankiisa ugu hayo xulka qarankiisa.

De Gea ayaa shaxda Xulka kaga horeeyay hoolhayaha chelsea ee Kepa kaas oo ku bilowday kulankii hore ee uu xulka Spain bar-baraha la galay Norway.

Tababare Robert Moreno oo ka hadlaya dhaawaca xiddiga ayaa sheegay in uu Goolhaye De Gea wax ka dareemay muruqa qaybtii Nasashada laakiin dalbaday in uu sii wado ciyaarta.

“Waxa uu xanuun ka dareemay muruqa laakiin waxa la siiyay daawayn qaybtii Nasashada waxana uu dalbaday in uu sii ciyaaro”ayuu tababare Moreno yidhi.

“Waxa uu noo balan qaaday in uuna dhaawac ahayn laakiin qaybtii dambe wuu sii wadan kari waayay ciyaarta”.

Dhanka kale kooxda Man United ayaa warbixin ka soo saartay xaalada Goolhayaha iyaga oo qirtay in uu tababare Solskjaer ka wal-walsanyahay dhaawaca Goolhayaha 1-aad ee kooxdiisa.

Kooxda Man United oo Axada marti galin doonta Liverpool ayaa sidoo kale warbixinta ku sheegtay in uu tababare Solskjaer go,aan ka gaadhi doono xaalada Goolhayahay ka hor shirka kulanka Liverpool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*