Taageerayaasha Man United Oo Codsday In La Baajiyo Kulanka Ay Kooxdoodu La Ciyaari Doonto Liverpool, Maxay Tahay Sababtu?

Taageerayaasha Kooxda Man United ayaa ka fal celiyay dhaawacii soo gaadhay Goolhayaha 1-aad ee kooxdooda ee David De Gea intii lagu jiray kulankii uu xulka qaranka Spain bar-baraha la galay xulka Sweden kulan ka tirsanaa is reeb-reebka Euro 2020.

Dhaawaca Goolhaye De Gea ayaa yimid ka hor kulanka adag ee ay Man United la ciyaari doonto Liverpool kulan ka tirsan horyaalka premier League.

De Gea oo uu dhaawac soo gaadhay ayaan dhamaystiran ciyaarta kadib markii badal lagu sameeyay daqiiqadii 60-aad ee qaybtii dambe ee ciyaarta iyada oo lagu badalay Kepa.

Kadib dhaawaca Taageerayaasha Man United ayaa si weyn uga cadhooday dhaawaca De Gea ka hor kulanka adag ee ay la ciyaari doonaan kooxda Liverpool.

Taageerayaasha Man United ayaana dalbaday in dib loogu dhigo kulanka ay la ciyaari doonaan ilaa inta uu De Gea soo kabsanayo.

Taageere ayaa bogiisa ku soo qoray” Ma Naloo baajin karaa kulanka Liverpool ilaa inta uu De Gea ka soo laabanayo”?!.

Taageere kale ayaa yidhi”Man United waxa ku dhacday Masiibo marka ay xiddigihii soo laabteen waxa ka dhaawacmay De Gea”.

“Ma garanayo Khaladka Aan Galnay ee Nalaga jarayo xaaladeenu way sii xumaanaysa kadib dhaawacii De Gea”ayuu mid kale yidhi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*