Taageerayaasa Arsenal Oo Dalbaday in Shaqada Laga Caydhiyo Unai Emery & Mesut Ozil Oo Sabab U Ah

Taageerayaasha Kooxda Arsenal ayaa maamulka kooxdooda ka codsanaya in shaqada laga caydhiyo tababare Unia Emery kadib markii uu badal ku sameeyay Mesut Ozil kaas oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kulankii Liverpool ee Carabao Cup-ka.

Iyada oo ciyaartu marayso 4/4 qaybtii dambe ayuu tababare Unai Emery go,aansaday in uu badalo xiddiga khadka dhexe ee Mesut Ozil kaas oo ahaa xiddiga ugu fiican kooxda Arsenal ee kulanka.

Go,aankaas ayaa si weyn uga xanaajiyay taageerayaasha kooxda Arsenal kuwaas oo boga Twitter-ka ku codsaday in shaqada laga caydhiyo tababare Unai Emery.

Taageere ayaa soo oqray” Daawashada Ozil ayaa igu qasbaysa in aan doono #Emery Bax”.

Mid kale ayaa yidhi” Shaqada maka caydhin karnaa Unai Emery , sababta oo ah waxa uu ka soo hor jeedaa kooxdeena isaga oo aan ciyaarsiinayn Ozil”.

“Mar walba oo uu Ozil ciyaarayo waxa aan u ciyaarnaa si weerar ah #Emery Bax”.

“Ozil waxa uu u ciyaaraa si ka fiican Emery, taasi ma maamulis kooxeedbaa”.

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*