Suarez Oo Bar-Bareeyay Rikodh Cajiib Ah Oo Uu Cristiano Ronaldo Leeyahay.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa soo saaray xog cajiib ah oo uu leeyahay weeraryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi oo ku saabsan dhanka caawinta goolasha isaga oo bar-bareeyay Cristiano Ronaldo kaas oo ahaa xiddiga 3-aad ee ugu caawinta badan goolasha qarniga 21-aad isaga oo ka dambeeyay Lionel Messi iyo Mesut Ozil.

Wargayska ayaa sheegay in uu Luis Suarez caawiye ka noqday 199 xirfadiisa ciyaareed ee kooxaha isaga oo bar-bareeyay Cristiano Ronaldo oo leh isla rikoodhkaas oo uu dhigay intii uu soo ciyaarayay kooxaha Sporting Lisbon, Man United, Real Madrid iyo Juventus.

Wargayska ayaa intaas ku daraya in uu Suarez sidoo kale leeyahay rikoodh dhanka goolasha ah oo ku Dhaw Criayiano isaga oo dhaliyay 402 caawiyena ka noqday 199 taas oo la macno ah in uu ku lug leeyahay 601 gool.

Dhanka kale Ronaldo ayaa ku lug leh 604 gool isaga oo caawiye ka noqday 199 kadib 810 kulan oo uu u ciyaaray kooxihii kala duwanaa ee uu u soo ciyaaray.

Xogta Ronaldo iyo Suarez:

Suarez: 619 kulan, 402 gool, 199 caawin.

Ronaldo: 810 Kulan, 604 gool, 199 caawin

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*