Solskjaer Oo Rashford Bar-Bar Dhigay Cristiano Ronaldo

Tababaraha kooxda Man United ee Ole Gunnar Solsjaer ayaa Amaan ugu qubeeyay xiddiga kooxdiisa ee Marus Rashford kadib markii uu guul ku hogaamiyay kooxdiisa kulankii ay Man United garaacday kooxda Chelsea kana tirsanaa tartanka Carabao Cup-ka.

Xiddiga weerarka uga ciyaara Marcus Rashford ayaa guul ku hogaamiyay kooxda Man United kulan ka dhacay garoonka Stamford Bridge kana tirsanaa wareega 16-ka tartanka Carabao Cup-ka.

Solskjaer oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Goolkii 2-aad ee uu dhaliyay waxa uu la mid yahay goolashii uu Ronaldo dhaliyay”.

“Waxa uu horay u dhaliyay rikoodhe wax dhibaato ma qabo, waxa uu mar kale u istaagay in uu laagto laadka xorta ah wuuna dhaliyay waxana uu nagu hogaamiyay guul qurux badan”.

“Rashford waza uu horay ugu soo tababartay laadka xorta ah ka hor kulanka waxana aan aragnay sid uu u dhaliyo”ayuu Solsjaer sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*