Solskjaer, Countinho, Dembele, Pulisic, Kane, Eriksen & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Suuqa kala iibsiga ayaan haatan furnayn iyada oo ayna kooxduhu la soo saxiixan karin wax xiddigo ah oo heshiisyo ku jira.

Laakiin arintaas ayaan la macno ahayn in ayna jiri doonin waxa kooxaha reer yurub la xidhiidhinaya xiddigaha kala duwan.

Kooxaha ayaa isku diyaarinaya suuqa Janaury ee sanadka cusub oo ay inaga xigaan bilo iayab oo wakhtigaas la saxiixan kara xiddigaha ay doonayaan.

Hadaba kooxda.com ayaa si maalin leh ah idiinku soo gudbin doonta wararka ugu dambeeya ee suuqa kala iibsiga ciyaartooyda ee ay qoraan wargaysayda.

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa ka cabsi qaba guuldaro weyn oo ka soo gaadha Liverpool in ay khatar galin doonto shaqadiisa Man United (Mail).

Dhawr xiddig oo ka mid ah kooxda 1-aad ee Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay ka kalsooni bexeen tababaraha Koxoda ee Ole Gunnar Solskjaer (Sun).

Kooxda Man United ayaa loo sheegay in ay lacag 300 oo Milyan ah kula soo wareegto weeraryahanka kooxda Man United ee Harry Kane (Talksport).

Kooxda Liverpool ayaa kaliya 4.5 milyan euro ka heli doonta Barcelona xilli ay wali ku leedahay lacag dhan 84 milyan oo euro kaas oo ay ugu leedahay iibkii ay ka iibisay Philippe Coutinho (Mirror).

Kooxda Man United ayaa si xoogan u gali doonta suuqa January si ay dhanka kale ugu rogto xilli ciyaareedka niyad jabka leh ee ay soo qaadatay (Express).

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda chelsea ee Christian Pulisic ayaa isku dayi doona in uu heshiis amaah ah uga tago kooxda chelsea suuqa January (Guardian).

Ole Gunnar Solksjaer ayaa lagu soo waramayaa in uu xiddigaha kooxdiisa u sheegay “Waxa Aad Iga Caydhinaysaan shaqada” kadib guuldaradii Newcastle (Sun).

Kooxda Everton ayaa Man United ku cidhiidhinaysa saxiixa weeraryahanka kooxda Lyon ee Moussa Dembele iyaga oo 40 milyan ku dalban doona xiddiga suuqa January (Daily Star).

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Tottenham ee Christian Eriksen Ayaa isku diyaarinaya in uu u dhaqaaqo Real Madrid suuqa January (Marca).

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa lagu soo waramayaa in uu gabi ahaan isaga hadhay xiisihii uu u qabay xiddiga kooxda Ajax ee Hakim Ziyech isaga oo awoodiisa isugu gayn doona xiddiga kooxda Real Madrid ee Martin Odegaard (Calciomercato).

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay si lama filaan ah wadahadalo ula qaadatay xiddiga kooxda West Ham khadka dhexe uga ciyaara ee Declan Rice kaas oo ay doonayaan in ay 75 milyan ku dalbadaan January (Don Balon).

Xiddiga Man City weerarka uga ciyaara Man City ee Gabriel Jesus ayaa lagu soo waramayaa inuu ogolaaday in uu ku biiro kooxda Real Madrid waliba u noqdo badalka Gareth Bale (AS).

Kooxda Arsenal ayaa 50 Milyan ku dalban doonta suuqa January xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda PSV Eindhoven ee Donyell Malen (Tuttosport).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*