Sidee Uu Lionel Messi Uga Qayb Qaatay Ku Biiristiis Mohamed Salah Ee Liverpool? Jurgen Klopp Ayaa Kashifay

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa Kashifay doorkii uu Lionle Messi ka qaatay la soo saxiixashadii xiddiga Mohamed Salah markii ay kala soo wareegayeen kooxda Roma xagaagii 2017.

Kooxda Liverpool ayaa suuqii xagaaga ee 2017 kala soo wareegay kooxda Roma iyaga oo kula soo wareegay lacag dhan 34 milyan oo euro kana mid noqday saxiixyada ugu fiican taariikhda Liverpool.

Jurgen Klopp ayaa sheegay in uu Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ka qaybta noqday in ay kooxda Liverpool la soo saxiixato xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah.

Jurgen Klopp ayaa sheegay in uu ku qanacsanaa tayada mohamed Salah Laakiin uuna marna ku qanacsanayn in uu soo bandhigi doono qaab ciyaareedka uu ilaa haatan soo bandhigay.

“Waan ku qanacsanaa awoodiisa Laakiin ma filanayn in uu sidan weyn u ciyaari doono”ayuu Klopp u sheegay Liverpool Echo.

“Waxan u malaynayaa in uuna Mohamed Salah Laftiisu filayn in uu sidan ugu ciyaaro Liverpool lana gaadho guul, laakiin qof walba waxa uu leeyahay riyo uu doonayo in uu rumeeyo waxana aan ka caawinay in uu  gaadho riyadiisa”.

“Mohamed Salah Waxa uu Muhiim ka ahaa kooxda Roma waxana uu ahaa xiddig badbaadinayay kooxda kulamada adag”.

“Sidaas darteed waxa aan doonaynay in aanu helno xiddig kooxda uga ciyaari kara doorka uu Lionel Messi uga ciyaaro Barcelona waxana aan go,aansanay in aanu u dhaqaaqno saxiixiisa”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*