Sidee Ayay Chelsea Kooxda Man United Uga Caawin Kartaa Saxiixa Moussa Dembele.

Kooxda Lyon ayaa lagu soo waramayaa in ay xidhiidh la samaysay Kooxda chelsea oo ay ka doonayso saxiixa xiddiga Olivier Giroud marka la gaadho suuqa January si ay badal uga dhigaan xiddiga lala xidhiidhinayo kooxda Man United ee Moussa Dembele.

Weeraryahanka kooxda ee Giroud oo 33 jir ah ayaa kaliya chelsea u ciyaaray 6 kulan xilli ciyaareedkan isaga oo 2 ka mid ah ku bilowday shaxda Chelsea.

Waxa la aaminsanyahay in uu ka fiirsanayo in uu isaga tago kooxda chelsea marka la gaadho suuqa January si uu boos uga helo xulka qaranka France tartanka Euro 2020.

Xiddigii hore ee Arsenal ayaa muhiim ka ah xulka qaranka France inkasta oo uuna si joogto ah ugu ciyaarin kooxda Blues.

Wargayska Soccer Link ayaa sheegaya in ay Lyon diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga Dembele marka la gaadho suuqa January waxana ay diyaar u yihiin in ay u dhaqaaqaan saxiixa Giroud si ay ugu badalaan xiddiga 23 jirka ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*