Sheekada La Yaabka Leh Ee Qaabka Uu Casemiro Ku Noqday Xiddig Khadka Dhexe Ah

Guulihii Real Madrid ee champions League ee sanadihii ugu dambeeyay ayaan dhici lahayn la,aanta Casemiro isaga oo ahaa xiddig laf dhabar u ah khadka dhexe ee kooxdiisa laakiin xiddiga reer Brazil ayaa kashifay sheeko la yaab leh oo ku saabsan sidii uu ku noqday xiddig khadka dhexe ah.

Casemiro ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican khadka dhexe ee wakhti xaadirkan laakiin xiddiga ayaa markii hore kubada ka bilaabay weerarka tooska ah.

“Waxa aan imid kooxda Sao Paulo markii aan jiray 11 ama 12 sano, waxana joogay 300 oo qof”ayuu Casemiro u sheegay Movistar.

“Waxa aan ku joogay tijaabo waxana la dalbanayay 50 xiddig”.

“Waxa aan ka ciyaaray weerarka tooska ah sababta oo ah waxa aan lahaa awood jidh ahaaneed laakiin waxa aan xasuustaa markii uu tababaruhu waydiiyay, Ayuu Ahaa Goolhayuhu? waxa gacanta taagay 3 qof, kadib waxa uu waydiiyay ayaa ahaa weerarka? waxa gacanta taagay 50 qof oo kale”.

“Anigu maan taagin gacanta waxa jirtay tartan aad u badan boosaskaas”.

“Kadib waxa uu waydiiyay ayaa ahaa No.10? waxana gacanta taagtay 50 qof oo kale”.

“Kadib waxa uu waydiiyay ayaa ahaa khadka dhexe ee daafaca? waxa gacanta taagay 8 qof kadib kuwaas ayaan raacay”.

“Waxa ay ii sheegeen in aan anigu noqdo weeraryahan laakiin waxa aan ku adkaystay in aan ahay xiddig khadka dhexe ee daafaca ah waana sida ay u bilaabatay wax walba”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*