Shax Laga Sameeyay Saxiixyada Ugu Fiican Premier League Xilli Ciyaareeedkan Oo La Soo Saaray & Lama Filaano Lagu Arkay.

Taageerayaasha kubada cagta ayaa jecel marka xiddig qiimo fiican ugu yimid kooxdooda noqdo xiddig fiican laakiin sidoo kale waxa jira xiddigo badan lacag badan koox ku yimid oo sidoo kale qaab ciyaareed fiican soo bandhigaan.

Kooxaha premier League ayaa xagaagii ku qasbanaaday in ay suuqa galiyaan lacag dhan 1.5 Bilyan euro si ay ula soo saxiixdaan xiddigaha ay doonayaan iyada oo ay ka dheceen saxiixyo badan oo waaweyn waliba qaarkood isku muujiyay in ay yihiin kuwo fiican.

Man United ayaa 50 Milyan oo euro ka soo bixisay xiddiga Aaron Wan-Bissaka waxana uu noqday xiddig heer sare ah isaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Laakiin saxiix walba oo qaali ahaa ayaan soo bandhigin qaab ciyaareed fiican marka loo eego in aan shalay soo gudbinay shax laga sameeyay xiddigihii ugu xumaa ee xagaaga ku soo biiray premier League.

Hadaba shaxda ugu fiican ee laga sameeyay saxiixyadii xagaaga ku soo biiray ayuu hogaaminayaa Goolhayaha Adrian kaas oo ay Liverpool si deg-deg ah ugu dhaqaaqday in ay ku buuxiso Alisson oo dhaawacmay.

Goolhayaha oo si lacag la,aan ah ugu soo biiray ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo ka soo muuqday shaxda saxiixyada ugu fiican ee wargayska The Sun.

Gary Cahill ayaa sidoo kale ka soo muuqday shaxda kaas oo si xor ah uga tagay kooxda Chelsea kuna biiray Crystal Palace kadib markii uu dhacay heshiiskii uu kula joogay Chelsea.

Waxa sidoo kale shaxda ka soo muuqday xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man City ee Rodri kaas oo isna soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah tan ilaa markii uu ku soo biiray City.

Waxa lama filaan ah in shaxda laga dhex waayay saxiixa daafaca ugu qaalisan ee Harry Maguire kaas oo aan ilaa haatan xumayn inkasta oo ay kooxdiisu dhibaatoonayso.

Wesley, Tyrone Mings (Aston Vila), Philip Billing, Harry Wilson (Bournemouth), Jordan Ayew (Crystal Palace), Haller (West Ham) Iyo Erik Pieters (Burnley) ayaa ka mid ah saxiixyada ugu fiican ee premier League ilaa haatan

Hadaba Halkan Hoose kaga bogo shaxda ugu fiican ee xiddigihii ku soo biiray premier League xagaaga:

Image result for Premier League's best summer signings XI

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*