Sadio Mane Oo Kashifay Wixii Uu Mohamed Salah U Sheegay Kadib Murankii Kulankii Burnley

Xiddiga kooxda Liverpool ee sadio Mane ayaa kashifay hadalkii uu ku yidhi Mohamed Salah kadib markii uu Mane u diiday baaska kulankii Burnley ee horyaalka premier League.

Sadio Mane ayaa si weyn u xanaaqay kulankaas kadib markii uu Salah u dhigi waayay baas inkasta oo uu haystay fursad fiican oo uu ku dhalin karo gool kulankaas.

Xiddiga reer Senegal ee Sadio Mane oo ciyaarta laga saaray daqiiqado kadib ayaa si weyn uga xanaaqay isaga iyada oo ficilkiisu dhaliyay muran badan dhaliyay.

Mane oo la hadlaya wargayska Canal+ ayaa yidhi”Waxa aan la hadlay Salah kadib dhibaatadaas kadib waxa nala soo hadlay Klopp oo Noogu yeedhay Xafiiskiisa waxana aan u sheegnay in aan wax walba dhamaystirnay”.

“Salah ayaa ii yimid iguna yidhi” Sadio Maxaad La Xanaaqsantahay?”.

“Waxa aan ugu jawaabay, “waxa ay ahayd in aad ii soo dhigto kubada waxa aan fursad u haystay in aan gool ka dhaliyo”.

“Waxa uu igu yidhi”Sadio kuma arkin, waad ogtahay in aanan kaa soo hor jeedin laakiin kuma arkayn”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*