Sababta Ay Man United Isaga Diiday Saxiixa Neymar Suuqii Xagaaga Oo La Ogaaday.

Wararka ka imanaya dalka France ayaa sheegaya in ay kooxda Man United ku dhawaatay saxiixa xiddiga Neymar intii lagu jiray suuqii kala iibsiga xagaaga laakiin uuna heshiisku dhicin sabab la xidhiidha go,aan ay gaadhay kooxda Mann United.

Neymar ayaa si weyn loola xidhiidhinayay in uu isaga tagayay kooxda PSG intii lagu jiray suuqii xagaaga iyada oo xitaa kooxda PSG qiratay in ay diyaar u yihiin in ay iibiyaan xiddiga.

Neymar ayaa si aad ah u doonayay in uu ku biiro kooxda Barcelona intii lagu jiray suuqii xagaaga kadib 2 sano ka hor markii uu ka tagay kooxda reer Spain.

Wargayska Le10Sport ayaa sheegaya in ay kooxda PSG u soo bandhigtay saxiixa xiddiga reer Brazil si ay uga hor istaagto in uu ku biiro kooxda Barcelona laakiin kooxda Man United ayaa diiday xiddiga.

Sababata Man United ku diiday saxiixa xiddiga ayaa ahayd in ay maamulka Red Devils ka shaki qabeen awooda xiddiga iyaga oo aaminsanaa in uuna xoojin karin kooxda Soslkjaer sabab la xidhiidha dhaawacyadii badnaa xiddiga soo gaadhay bilihii ugu dambeeyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*