Real Madrid Oo Kashiftay Natiijada Baadhitaankii Dhaawaca Luka Modric, Miyuu Seegayaa El Clasico

Kooxda Real Madrid ayaa soo saartay jawaabta baadhitaankii lagu sameeyay xiddiga khadka dhexe ee kooxdeeda ee Luka Modric kadib markii uu xiddiga khadka dhexe ku dhaawacmay waajibaadka xulka qarankiisa.

Modric ayaa ku dhaawacmay kulankii uu xulka qarankiisa Croatia bar-baraha la galay xulka Wales kulan ka tirsanaa is reeb-reebka Euro 2020.

Real madrid ayaa sheegtay in uu Luka Modric ka dhaawacmay muruqa lugta Midig iyada oo la sugi doono horumarka uu xiddigu ka sameeyo dhaawaca.

Kooxda Real Madrid ayaan sheegin mudada uu Xiddigu ka maqnaan doono laakiin waxa la xaqiijiyay in uuna diyaar u noqon doonin kulanka Real Mallorca ee horyaalka La Liga.

Xiddiga reer Croatia ayaa shaki la,aan wakhtiga tartan la gali doona si uu taam ugu noqdo kulanka Adag ee ay kooxdiisu la ciyaari doonto Barcelona.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*