Real Madrid Oo Guul Weyn Ka Gaadhay Leganes & Los Blancos Oo Ku Soo Laabtay Kaalinta 2-aad Ee Kala Saraynta Horyaalka La Liga

Kooxda Real Madrid ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Leganes kulan ka tirsanaa todobaakii 11-aad ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan iyaga oo ku soo laabtay kaalinta 2-aad ee kala saraynta horyaalka.

Real Madrid ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo daqiiqadii 7-aadba dhaliyay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay da,yarka Rodrygo kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Isla daqiiqadi kadib gaar ahaan daqiiqadii 8-aad ayay Los Blancos sii dheeraystay hogaanka ciyaarta iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Toni Kroos kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay Real Madrid hogaanka ku hayso.

Real Madrid ayaa sii waday raadinta goolasha iyo in ay wakhti hore disho ciyaarta waxana ay sameeyeen fursado iyo weeraro aan kala joogsi lahayn.

Daqiiqadii 24-aad ayay Real Madrid heshay rikoodhe waxana u dhaliyay Kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Real Madrid si fiican u ciyaartay soona bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Real Madrid u muuqatay kuwo aan dadaal badan u samaynayn sidii ay goolal kale u dhalin lahaayeen.

Daqiiqadii 69-aad ayay Real Madrid mar kale heshay rikoodhe waxana u istaagay Karim Benzema kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/0 ay Real Madrid ku hogaaminayso ciyaarta.

Daqiiqadii ugu dambaysay ayuu saxiixa cusub ee Real Madrid ee Luka Jovic dhaliyay goolkii 5-aad ee Real Madrid isaga oo sidoo kale sidaas ku furtay Akoonkiisa Goolasha Kooxda Real Madrid.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid gaadhay guul weyn oo ay u qalantay kana caawisay in ay ku soo laabato kaalinta 2-aad ee kala saraynta horyaalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*