Real Madrid Oo Dajisatay Qorshe Cajiib Ah Oo Ay Ku Doonayso N’Golo Kante, Waa Mid Xitaa Faa,iido U Ah Blues

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa taageero weyn u ah xiddiga khadka dhexe ee kooxda chelsea ee N’Golo Kante waxana uu diyaar u yahay in uu ka dhigo saxiixiisa ugu horeeya sida ay sheegaan wararku.

Real Madrid ayaa la sheegayaa in ay diyaarinayso qorshe aad u sareeya oo ay isku dayi doonto in ay Chelsea uga hesho saxiixa xiddiga khadka dhexe iyaga oo diyaar u ah in ay miiska u saaraan xiddiga khadka dhexe ee James Rodriguez.

Los Blancos ayaa si aad ah u doonaysa xiddig cusub oo khadka dhexe ah kadib markii uu uka Modric da, noqday waxana ay bartilmaameedkooda 1-aad ka dhigteen Kante.

Wargayka El Desmarque ayaa sheegaya in ay Real Madrid diyaarinayso dalab lacageed oo dhan 86 milyan oo euro iyo waliba xiddiga James Rodriguez si ay u helaan xiddiga reer France.

Indhaha Madaxda Real Madrid Kante ayaa ah xiddiga ugu fiican khadka dhexe ee daafaca adduunka wakhti xaadirkan isaga oo kooxda ka caawin kara in ay gaadho heer kale.

Real Madrid ayaa ogsoon in ayna gaadhi karin qiimaha 28 jirka ilaa ay ku daraan heshiiska xiddiga ama ay xiddigo iska iibiyaan si ay lacagtiisa ugula soo wareegaan.

Waana sababta ay diyaarka u yihiin in ay ku daraan heshiiska xiddiga James Rodriguez kaas oo uu mustaqbalkiisa fog ee Real madrid shaki ku jiro.

Hadii uu warkan Run yahay waxa uu faa,iido weyn u yahay kooxda chelsea oo helaysa lacag waali ah iyo waliba xiddig heer caalami ah iyaga oo lacagta dib ugu dhisi kara kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*