RASMI: Ousmane Dembélé Oo Gadhka Loo Galiyay Ganaax Kadib Aflagaagadii Uu U Gaystay Garsooraha Kulankii Sevilla, Imisa Kulan Ayaa Lagu Ganaaxay Miyuuse Seegayaa El Classico.

Xidhiidhka kubada cagta Spain ee La Liga ayaa si Rasmi ah ganaax dusha uga saray xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Ousmane Dembélé sida uu sheegayo El Chiringuito TV.

Xiddiga reer France ayaa dusha laga saaray 2 kulan oo Ganaax ah kadib markii uu garsoorihii dhex-dhexaadinayay kulankii Sevilla ee Mateu Lohoz ku yidhi “Waxa aad tahay qof xun” taas oo keentay in kaadhka cas loo taago xiddiga kulankaas.

Gudida Anshaha ee horyaalka La Liga ayaa go,aamisay in uu xiddigu qaato ganaax laba kulan ah oo horyaalka La Liga ah kadib dhacdadii kulankii Sevilla ee Axadii.

Ganaaxan labada kulan ah ayaa la macno ah in uu Ousmane Dembélé Seegi doono labada kulan ee kadib fasaxa xulalka ee ay kooxdiisu ciyaari doonto.

Kulanka 1-aad ayaa ah kulanka Eibar ee la ciyaari doono 19 bishan haatan lagu jiro kadib fasaxa xulalka halka uu kulanka 2-aad yahay kulanka El Classico ee 26 bishan.

Ousmane Dembélé ayaa diyaar u noqon doona kulanka ay kooxdiisu la ciyaari doonto Real Valladolid ee ka tirsan todobaadka 11-aad ee horyaalka La Liga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*