RASMI: Mudada Uu Neymar Ka Maqnaan Doono Garoomada Oo La Shaaciyay, Miyuu Taam U Noqon Doonaa Kulanka Champions League Ee Real Madrid?

Kadib markii uu dhaawac ka soo gaadhay waajibaadka xulka qarankiisa Brazil kooxda PSG ayaa xaqiijisay in uu Neymar garoomada ka maqnaan doono muddo 4 todobaad ah kadib dhaawac muruqa ka soo gaadhay.

Xiddiga weerarka ka ciyaara ayaa kaliya 12 daqiiqo ciyaaray kulankii uu xulka Brazil bar-baraha la galay xulka Nigeria ee saaxiibtinimada ahaa.

“Kadib Badhitaan lagu sameeyay waxa la xaqiijiyay in uu dhaawac muruqa ah soo gaadhay Neymar”ayay kooxda PSG Xaqiijisay.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in hadii wakhtiga la xaqiijiyay yahay mid sax ah in uu Neymar taam u noqon doono kulanka ay kooxdiisa PSG la ciyaari doonto Real Madrid 26 bisha November kana tirsan wareega Group-yada tartanka champions League.

Dhaawacan ayaa ah mid dhirbaax ku noqnaya xiddiga iyo waliba kooxda PSG kadib markii uu xiddigu dhawaan ka soo kabsaday dhaawac uu mudddo dheer ku maqnaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*