RASMI: Lionel Messi Oo Markii 6-aad Taariikhdiisa Ku Guulaystay Kabta Dahabka Ah & Goolashii Uu Dhaliyay 6-dii Sano Ee Uu Abaalmarinta Ku Guulaystay

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ku guulaystay kabta dahabka ah markii 6-aad ee Taarikhdiisa kadib markii uu ku guulaystay gool dhalinta horyaalada yurub xilli ciyaareedkan.

Lionel Messi ayaa dhaliyay 36 gool xilli ciyaareedkii hore isaga oo ku garaacay xiddiga kooxda PSG ee Kylain Mbappe kaas oo dhaliyay 33 gool.

Messi ayaa abaalmarinta ku guulaystay markii 3-aad oo xidhiidh ah kadib markii uu horay ugu guulaystay sanadaha 2019, 2018, 2017, 2013, 2010, Iyo 2012.

Kabtanka Reer Argentine ayaa Dhanka ku guulaysiga abaalmarinta 3 jeer oo xidhiidh ah ku guulaystay sanadihii ugu dambeeyay.

Messi ayaa xilli ciyaareedkan kaliya dhaliyay hal gool xilli uu la dhibaatooday dhaawacyo bilowgii xilli ciyaareedkan.

Halkan Kaga Bogo Goolashii uu dhaliyay 6-dii sano ee uu ku guulaystay abaalmarinta:

2009/10: 34 goals
2011/12: 50 goals
2012/13: 46 goals
2016/17: 37 goals
2017/18: 34 goals
2018/19: 36 goals

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*