RASMI: Kadib De Gea, Xiddig Kale Oo Muhiim U Ah Man United Oo Seegi Doona Kulanka Liverpool.

Kadib markii la xaqiijiyay in uu David De Gea Seegi doono kulanka Liverpool waxa haatan la xaqiijiyay in uu Paul Pogba sidoo kale seegi doono kulanka ay Man United la ciyaari doonto kooxda Liverpool Axda.

Xiddiga khadka dhexe ayaa dhaawacyo kaga maqnaa kooxda Man United todobaadyadii ugu dambeeyay kadib markii uu dhaawac ku seegay kulamadii ugu dambeeyay ee kooxdiisa Man United.

Inkasta oo ay maalmihii ugu dambeeyay jireen warar sheegaya in uu Pogba taam u noqday kulanka Liverpool kadib markii uu tababarka qaatay intii lagu jiray fasaxa xulalka.

Laakiin wararka ayaa haatan si lama filaan ah u sheegaya in uu Pogba Goolhaye De Gea kula biiray xiddigaha seegaya kulanka adag ee ay kooxdiisu la ciyaari doonto Liverpool premier League.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah kooxda Man United kuwaas oo rajaynaysay in uu xiddiga khadka dhexe taam u noqdo kulanka xilli ay doonayaan in ay dhanka kale u rogaan xilli ciyaareedkooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*