Raphaël Varane Oo Magacaabay Daafaca Ugu Fiican Adduunka, Ayuu U Doortay?

Daafaca kooxda Real Madrid ee Raphaël Varane Aayaa magacaabay daafaca ugu fiican adduunka wakhti xaadirkan xilli uu ku sugan yahay waajibaadka xulka qarankiisa France.

Raphaël Varane ayaa iska indha tiray xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Sergio Ramos isaga oo daafaca Liverpool ee Virgil Van Dijk u doortay daafaca ugu fiican adduunka.

Varane oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Aniga ahaan daafaca ugu fiican adduunka haatan waa Virgil Van Dijk sababta oo ah waxa uu ku jiraa wakhti fiican”.

“Virgil Waxa uu ku guulaystay champions League waxana uu ku jiraa qaab ciyaareed fiican waxana la odhan karaa waa xiddiga ugu fiican adduunka”.

Van Dijk ayaa ku guulaystay xiddiga ugu fican yurub sanadkan sidoo kale kaalinta 2-aad ka galay xiddiga ugu fiican adduunka ee abaalmarinta The Best.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*