Ole Gunnar Solskjaer Oo Ed Woodward U Sheegay 9 Xiddig Oo Ay Doonayo In Ay Man United Iibiso

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa Agaasimaha Kooxda ee Ed Woodward u sheegay in uu doonayo in kooxda laga iibiyo 9 xiddig waliba lagu badalo xiddigo kale sida ay sheegayaan wararku.

46 jirka ayuu saaran yahay cadaadis xoogan kadib markii ay kooxdiisu guuldaro kala kulantay kooxda Newcastle kulan ka tirsanaa todobaadkii 8-aad ee horyaalka premier League.

Guuldaradii ka soo gaadhay Newcastle ayaa keentay in ay United kaliya 9 dhibcood ka heshay 8-dii kulan ee ay ciyaareen horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Man United ayaa suuqii xagaaga galisay lacag dhan 150 milyan oo euro iyaga oo la soo saxiixday xiddigaha Harry Maguire, Daniel James & Aaron Wan-Bissaka.

Solskjaer ayaa sidoo kale 6 xiddig oo kooxda 1-aad ah u ogolaaday in ay isaga tagaan kooxda kuwaas oo kala ah Romelu Lukaku,, Alexis Sanchez, Antonio Valencia, Ander Herrera, Matteo Darmian & Chris Smalling.

Laakiin Wargayska BBC ayaa sheegaya in uu tababare Solskjaer u sheegay WoodWard in uu doonayo in kooxda laga diro 9 xiddig oo kale waliba u baahan in la badalo.

Si kasta ha ahaatee BBC-da ayaan magacaabin 9-ka xiddig ee uu tababaruhu doonayo in laga diro kooxda laakiin waxa la sheegayaa in ay ka mid yihiin xiddigaha haatan amaahda uga maqan kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*