Nicolas Pepe & Christian Pulisic Oo Hogaaminaya Shaxda Saxiixyada Ugu Xumaa Ee Premier League, Ayaa Kale Ee Ka Soo Muuqday?

Kooxaha premier League ayaa suuqa galiyay lacag dhan 1.5 Bilyan euro suuqii xagaaga iyaga oo kula soo saxiixday xiddigo ay u arkeen kuwo si weyn u caawin doona kooxda xilli ciyaareedkan.

Laakiin xiddigo badan oo lacag badan laga bixiyay ayaan noqon sidii laga filayay iyaga oo ilaa haatan ku fashilmay in ay qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigaan xilli ciyaareedkan.

8 Kulan ayaa la ciyaaray horyaalka premier League xilli ciyaareedka cusub xiddigo badan ayaana soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah laakiin sidoo kale qaar kale ayaa si weyn u fashilmay ilaa haatan.

Xiddigaha Adrian, Wesley Moraes, Dan James & Sebastien Haller ayaa ilaa haatan ah xiddigaha noqday kuwa aan lagu khasaarin iyaga oo kooxohooda cusub ugu abaalmariyay qaab ciyaareed cajiib ah.

Laakiin waxa jira xiddigo badan oo ku fashilmay premier League iyo kooxohooda cusub ilaa haatan kuwaas oo lacag badan laga soo bixiyay suuqii xagaaga.

Xiddiga ugu qaalisan kooxda Arsenal ee Nicolas Pepe waliba la odhan karo waxa uu ahaa xiddigii ugu qaalisanaa suuqii premier League marka laga yimaado daafaca Man United ee Harry Maguire ayaa si weyn u fashilmay.

Xiddiga kooxda Chelsea ee Christian Pulisic oo sidoo kale kooxda chelsea ugu soo biiray lacag dhan 58 milyan oo euro ayaa sidoo kale ilaa haatan ku fashilmay in uu xitaa 2 kulan oo xidhiidh ah ku bilowdo shaxda Chelsea ee prmeier League.

Daafaca Midig ee kooxda Man City ee Cancelo oo kooxda Pep Guardiola ugu soo biiray lacag dhan 60 Milyan oo euro oo loo kala bixiyay 35 milyan oo lacag ah iyo walina Danilo ayaa sidoo kale ku fashilmay premier League isaga oo aan boos joogto ah ka helin shaxda City.

Wargayska The Sun ayaa soo saaray shaxda 11-kii xiddig ee ugu xumaa ee suuqii xagaaga ku soo biiray kooxaha premier League iyada oo ay kooxaha Arsenal, Chelsea iyo Man City ugu waaweyn yihiin kooxaha xiddigaha ku leh.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Shaxda The Sun ee saxiixyadii ugu xumaa premier League:

Image result for BUY, BUY.. HELL Worst Premier League signings of the summer including Arsenal’s £72m buy Nicolas Pepe and Chelsea outcast Christian Pulisic

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*