Mohamed Salah Oo Kashifay Mudada Uu Garooma Ka Maqnaan Doono, Miyuu Diyaar U Yahay Kulanka Man United?

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa kashifay mudada uu ka maqnaan doono garoomada kadib markii uu dhaawac uga baxay kulankii ay Liverpool guusha ka gaadhay kooxda Leicester City kana tirsanaa horyaalka premier League.

Tababare ku xigeenka xulka qaranka Masar ee Mohamed Barakat ayaa kashifay hadalkii uu Mohamed Salah uga sheegay dhaawaciisa iyo mudada uu garoomada ka maqnaan doono.

Xiddiga Mohamed Salah ayuu dhaawac kuraanta ah ka soo gaadhay kulankii Leicester City taas oo ku qasabtay in laga saaro daqiiqadihii ugu dambeeyay ee kulankaas.

Mohamed Barakat oo la xidhiidhay Mohamed Salah kana waraystay dhaawaca xiddiga reer Masar ayaa sheegay in uu Mohamed Salah u sheegay in uu kaliya muddo todobaad ah garoomada ka maqnaan doono.

Mohamed Barakat oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan la xidhiidhay Mohamed Salah waxana aan ka waraystay xaalkiisa waxana uu ii sheegay in uu dhaawacu yahay mid fudud garoomadana ka maqnaan doono ugu yaraan todobaad”.

Hadalkan ayaa la macno ah in uu Mohamed Salah Taam buuxa u noqon doono kulanka ay Liverpool booqan doonto Man United kadib fasaxa xulalka.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*