Maxaa Dhici Doona Hadii Ay Liverpool Ka Hadho Tartanka Carabao Cup-ka

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ku hanjabay in ay Liverpppl ka bixi doonto tartanka Carabao Cup-ka hadii ayna xidhiidhka EFL-ku u helin wakhti munaasib ah u helin kooxdiisa.

Xilli ay Reds ka qayb qaadan doonto tartanka Club World Cup-ka isla todobaadkaas tababaraha ayaa si cad u sheegay in kooxdiisa wakhti sax ah loo helo hadii kale ay ka baxayaan tartanka.

Klopp oo ciyaarta kadib la hadlaya saxaafada ayaa yidhi” Hadii ayna noo helin wakhti sax ah oo aan ahayn ciida gaalada 3 galabnimo, kadib ma ciyaari doono kulanka kooxda nagu aada ayaa wareega xiga u gudbi doonta”.

Hadalkaas ayaa keenay in la is waydiiyo waxa dhici doona hadii ay Liverpool ka baxdo tartanka laakiin Arsenal ayaan badali doonin Reds.

Inkasta oo ay Arsenal kaga hadhay tartanka lugaha Reds hadana Gunners ayaan dib ugu soo laaban doonin tartanka.

Laakiin waxa si Toos ah Semi-finalka ugu gudbi doonta kooxda Aston Villa oo haatan Liverpool ku aaday wareega 8 Dhamaadka tartanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*