Man United Oo Iska Xaadirisay Wareegga 8-da Ee EFL CUP, Chelsea Ayay Ka Soo Talaabsadeen

Chelsea ayaa ku biloowday ciyaarta hanaan wacan xilli United ay difaac ku jireen , waxa ayna kooxda Frank Lampard ku tiirsanayeen kubadaha garbaha , waxa ayna labada koox ciyaarayeen kullan ka tirsan EFL CUP

Inkastoo maamulka kubadda ay haysteen biloowgii hadana Chelsea halis gillin muuqata ma aysan sameyn maadaama daafaca United ahaayeen kuwo durba soo celinayay kubadda .

Ka dib biloowgaas , gaar ahaan waxii ka dambeeyay daqiiqaddii 11-aad , United jawiga ciyaarta ayay la qabsadeen kubadana cagtooda waa ay ku daaheysay inkastoo mar waliba Chelsea ku badneyd .

United oo Chelsea ku weerareysay kubadaha rogaal celiska ahaa ayaa daqiiqaddii 24-aad waxaa loo dhigay rikooro waxaana gool u turjumay Rashford ka dib qalad uu Marco Alonso uu ku galay Daniel James .

ka dib goolkaas , United kubadooda waa ay sii wacnaatay halka Chelsea ku adkeyd in si muuqata ugu soo dhawaadaan goosha United inkastoo kubadda haysteen mararka

United cadaadis ayay saareen Chelsea waxa ayna mudnaayeen in ay helaan gool labaad xilli lagu nastay halkaas gool ee ay ku hogaamineysay kooxda United

Soo laabashadii , Chelsea qaab wacan ayay ku bilaabeen waxa ayna daqiiqaddii 49-aad iska qasaariyeen fursad xaqiiq ahaa waxaana sidaas sameeyay Odoi .

Ka dib dhacadaas , Chelsea waa ay weerar tagayeen balse daafac United ayaa isku dayadooda soo fashilnayay balse guud ahaan Chelsea ayaa halis badneyd

Ka dib kubad uu soo laaday goolhayaha Chelsea ayuu maamushay Michy Batshuayi xilli sedex ciyaartooy United ah uu la sii jiiray ayuu si xooggan ugu laaday shabaqa United daqiiqaddii 61-aad waxa ayna sidaas ku noqotay ciyaarta bar bar dhac

United si kubada ula qeybsadaan Chelsea waxa ay daqiiqaddii 67-aad soo giliyeen Martial oo loo badalay Lindlof halka Lingard la saaray waxaana lagu badalay Pereira

Qeybihii dhamaadka , labada koox waxa ay ciyaarayeen kubad deg degsiimo leh xilli Chelsea baxsad ahaayeen , waxaana guud ahaan hanaanka ciyaarta laga filan karay gool .

Sida aan horay u sheegnay , United waxa ay heleen gool Free Kick ah waxaana dhaliyay Rashford waliba waxa uu ahaa mid cajiib ah xilli goolkaas uu dhashay daqiiqaddii 73-aad

Chelsea waxa ay daqiiqaddii 79-aad soo giliyeen Abraham oo lagu badalay Batshuayi halka United iyana soo giliyeen Young oo loo saaray Young , waxa ayna Chelsea dhamaadkii dagala ugu jireen goolka bar bar dhaca

Si waliba oo ay labada dhinac isku dayeen goolal waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay 2/1 oo ay United isaga xaadiriyeen wareegga 8-da ee EFL CUP-ka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*