Man United Oo Iska Diiday In Ay 13 Milyan Kula Wareegto Jerome Boateng & Sababta Oo La Ogaaday.

Kooxda Man United ayaa muddo dheer ku joogtay saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Bayern Munich iyo xulka qaranka Germany ee Jerome Boateng inkasata oo ay muddo dheer la socotay xiddiga reer Germany.

Wararka ayaa sheegaya in ay Man United iska diiday fursad ay ku heli kartay saxiixa Jerome Boateng iyada oo ay jirto laba wal-wal oo ay ka qabto xiddiga reer Geramny.

Xiddiga reer Germany ayaa diirada u saarnaa Man United muddo dheer kadib markii uu isku muujiyay mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican daafaca adduunka.

Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in ay Man United Computer u isticmaashay si ay u qiimayso qaab ciyaareedkiisa.

United ayaa loo soo bandhigay fursad ay ku heli karto saxiixa xiddiga iyaga oo waliba iyaga oo ku heli karay lacag dhan 13.1 milyan euro laakiin isak diiday in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga.

Sabbata ay Man United u diiday saxiixa xiddiga ayaa ah in uu xiddigu kaliya 70% ciyaaray kulamada kooxdiisa isaga oo rikoodh dhaawacyo ah leh.

Sababta kale ayaa ah in ay kooxda Man United doonayso in ay u dhaqaaqdo xiddig mustaqbal leh maadama uu Boateng yahay xiddig da, ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*