Luka Jovic Oo Ku Dhex Ooyay Qolka Labiska Real Madrid Kadib Kulankii Leganes & Sababta Oo La Ogaaday

Wararka ka imanaya Spain ayaa shaaca ka qaaday in uu oohin is qaban waayay xiddiga weerarka uga ciyaara Real Madrid ee Luka Jovic kadib markii uu galay qolka Labiska kadib guushii ay Real Madrid ka gaadhay kooxda Leganes.

Wargayska Deffence Central ayaa sheegaya in uu Luka Jovic oohin is qaban kari waayay kadib markii uu qolka Labiska galay kadib markii uu dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee Real Madrid.

Luka Jovic ayaa si weyn ugu dhibaatooday kooxda Real Madrid tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda sabab la xidhiidha dhaawacyo iyo waliba in uu qaab ciyaareedkiisii fiicnaa waayay.

Jovic ayaa ooyay kadib markii xiddigaha ay isku kooxda yihiin laabta galiyeen uguna hambalyeeyeen goolkii uu dhaliyay ee kulankii Leganes.

Xiddiga oo kooxda Real Madrid 65 milyan ugu soo biiray ayaa daqiiqadii 90-aad gool madax ah u dhaliyay kooxdiisa isaga oo furtay Akoonkiisa goolasha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*